Taliyaha ciidanka boliiska oo ka qeyb galay xaflad ay ku qalin jabiyeen saraakiil Boliis ah
Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin iyo wafdi saraakiil sare ah oo hoggaaminaayay ayaa ka qeyb galay xafladda qalin jibinta dufcadda 12 -aad ee jaamacadda dalka Rwanda,qeybteeda boliiska oo ay ka qalin jabiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka boliiska Soomaliyeed.
Saraakiishaan ayaa ka qalin bedesha heerka labaad ee waxbarashada Jaamacadda waxeeyna barte daraasaadka amniga iyo xalinta Khilaafaadka, Diploma Sare Istaraatiijiyada Maamulka iyo Maareynta iyo waxbarashada abaanduulka Sare.
34 sarkaal oo ka kala socday wadamada Somalia, Botswana, Kenya, Lesotho, Malawi, Rwanda, Namibia, South Sudan iyo Tanzani ayaa ku dabaal dagay xafladooda qalin jebinta.
S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaam saraakiisha qalin jebisay, gaar ahaan Saraakiisha ciidanka boliiska Soomaaliyeed, isaga oo u rajeeyay guul iyo hormar.
Xafladda qalin jebinta ayaa ka dhacday xarunta akadeemiyadda sare ee boliiska dalka Rwanda.
uni