Search for:

Taliye ku xigeenka cusub ee Booliska oo xilka la wareegay

Taliyaha ciidanka boliiska Soomaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka u kala wareejiyey taliye xigeenkii hore ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Zakiya Xuseen Axmed iyo taliyaha howlaha gaarka ah ahna taliye xigeenka cusub S/Guuto, Cabdalla Cabdalla Maxamed.
Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta taliska ayaa waxaa si rasmi ah xilka loogu wareejitay Sareeye guuto Cabdalla Cabdalla Axmed.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ugu mahadceliyey taliye xigeenkii hore Ciidanka Boliiska S/guuto Zakiya Xuseen mudadii ay xilkaas ugu adeegaysay Bulshada Soomaliyeed.
Sidoo kale, Taliye Sulub ayaa soo dhaweeyey S/Guuto, Cabdalla Cabdalla, isaga oo kula dardaarmay in uu horey u sii wado shaqada balaaran ee hortaalla xafiiska loo magacaabay.

  

Leave A Comment

All fields marked with an asterisk (*) are required