Search for:
  • Home/
  • Somali/
  • Ciidanka boliiska oo gacanta ku dhigay eedeysane baxsad ahaa

Ciidanka boliiska oo gacanta ku dhigay eedeysane baxsad ahaa

Taliska ciidanka boliiska Soomaliyeed ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysan Maxamed Cumar Ciise oo ku eedeydan dil uu u geestay Marxuum Maxamed Axmed Faarax 17-05-2023.

Eedaysane Maxamed Cumar Ciise oo 30 jir baxsad ahaa, una gudbay dhanka xadka Kenya ayaa horay maxkmadda gobolka Nugaal ugu jartay warqadda soo qabashadiisa.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo tixgeliyey codsiga ka yimid maxkamadda gobolka Nugaal ayaa hoggaanka xiriirka Dibadda (Interpol) ee Boliiska Soomaaliyeed la wadaaday xogta ee deysanaha, si loo horkeeno Maxkamadda.

Safaarada Soomaaliya ee dalka kenya ayaa u jartay dukumintiga u safar dalkaaga (Go Home) Wuxuuna ku jartey magaca been abuur ah ee Cabduqaadir Cumar Cali.

Xarunt dhexe ee Interpol ayaa si toos ah u soo wargilisay hoggaanka xiriirka dibadda ee boliiska Soomaliyeed in eedaysanaha uu ku soo wajahan yahay magaalada Moqdisho 25-06-2024 .

Saaka aroortii hore ayaa edeysaha laga qabtay garoonka diyaaraha Aadan Cadde, waxaana lagu wareejinayaa maxkamada gobolka Nugaal oo gacanta ku hayso kiiskiisa.

Leave A Comment

All fields marked with an asterisk (*) are required