Taliye Sulub Axmed Firin oo gudoomiyay shirka todobaadlaha ah ee amniga Caasimadda
Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ayaa gudoomiyay shirka amniga ee khamiislaha ah, si loo xoojiyo amaanka caasimadda.
Shirka waxaa goob joog ka ahaa taliye xigeenada koowaad iyo labaad ee ciidanka ciidanka boliiska Soomaaliyeed,iyada oo u jeedku ahaa xoojinta guud ahaan howlaha lagu sugaayo ammaanka gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan ammaanka caasimadda iyo hor umarinta tababarada xubnaha ciidanka.
Shirka intii uu socday ayaa warbixino looga dhageystay hoggaanka howlaha, hoggaanka qorshaha iyo tabobarada, hoggaanka baarista dembiyada, hoggaanka kormeerka iyo qeybta guud boliiska gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn Taliyaha ayaa soo xiray kadib tilmaamaha iyo tusaaleynta ku haboon xaaladaha looga dooday oo dhamaantood ahaa kuwo wax ku ool ah.