Hoggaanka baarista dembiyada heer federal oo tababar u soo gabagbeeyay baarayaal ka socdey dhamaan dowlad goboleedyada dalka
Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada, G/Dhexe. Muxudiin Axmed Cusmaan ayaa maanta tababar macalimimo (TOT) u soo xirey Saraakiil Ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kuwaas Oo laga soo kala xuley Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka
Saraakiisha ayaa mudadii ugu dambeysey tababarka ku qaadanaayey xarunta Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), ayaga oo qubaro ka socdey Hay’adda IDLO ay barayeen noocyada kala duwan ee tabaha Baarista Dembiyadda.
Waa markii ugu horaysay oo tababar nuucaan ah ay ka soo qeybgalaan saraakiil ka socda Dowlad Goboleedyada dalka , tababarkaan ayaa ujeedkiisu yahay tayeeynta iyo hormarinta tabaha baarista, si loola tacaalo dembiyada, sare loogu qaado hanaanka cadaalada dalka, tan ayaa ah Qorshaha Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu isagu xirayo Boliiska Dalka.
Macalimiintaaan ayaa loogu talagalay in ay tababaraan, baarayaasha Boliiska Dowldaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah, waxaana Taageerayay Dowlada Mareykan oo had iyo jeer garab taagan dhismaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.