Search for:
  • Home/
  • Somali/
  • Taliyaha ciidanka boliiska oo kormeeray qaar ka mid ah saldhigyada boliiska ee degmooyinka

Taliyaha ciidanka boliiska oo kormeeray qaar ka mid ah saldhigyada boliiska ee degmooyinka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa kormeer shaqo ku sameeyay qaar ka mid ah saldhigyada Boliiska ee ku yaala gobolka Banaadir. Kormeerka ayaa caawa ka dhacay saldhigyada Kaaraan, Yaaqshiid, Cabdicasiis, iyo xamarweyne.

Ujeedka kormeerka Taliyaha ayaa ahaa in uu si dhow ugu kuurgalo howlaha ay saldhigyadu u hayaan bulshada, si loo xaqiijiyo habsami u socodka shaqooyinka amniga iyo in adeegyada boliisku si hufan ugu qabsoomayaan bulshada degaanka. Taliyaha ayaa bogaadiyay shaqada ciidamada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda sugidda amniga.

Leave A Comment

All fields marked with an asterisk (*) are required