Taliyaha boliiska oo booqday xarunta NIRA
Taliyaha Booliska Soomaaliyed Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Guud ee NIRA halkaas oo uu kula kulmay Maareeyaha Guud ee Hay’adda, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde).
Waxa ay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexaya taliska ciidan Booliska iyo NIRA, iyo sidii Nidaamka Aqoonsiga Qaranku gundhig iyo tixraac ugu noqon lahaa kiisaska dambi-baarista ee kala duwan.
General Asad ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee ka socdo Xarunta NIRA iyo guud ahaan kaarka aqoonsiga qarank.