Search for:
  • Home/
  • Somali/
  • Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed oo xafiiskiisa ku qaabilay ma’suuliyiin sare oo ka socday dalka Masar.

Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed oo xafiiskiisa ku qaabilay ma’suuliyiin sare oo ka socday dalka Masar.

Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ma’suuliyiin sare oo ka socday dalka Masar.

Taliye Asad ayaa soo dhaweyn kadib kulan la qaatay mas’uuliyiinta ka socday dowladda Masar, waxeeyna ka wada hadleen  arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta iskaashiga iyo horumarinta xirfadaha saraakiisha boliiska Soomaaliyeed.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa mas’uuliyiinta Masaarida uga mahadceliyay garab istaaga iyo taageerada ay  u muujiyeen ciidanka boliiska Soomalaiyeed, isaga oo xusay in Dowaladda Masar ay door weyn ka qaadatay dib u dhiska ciidanka boliiska Soomaaliyeed.

 

Leave A Comment

All fields marked with an asterisk (*) are required