Taliye xigeenka ciidanka boliiska Soomaaliyeed oo saraakiil Masaari ah ku soo dhaweeyay Muqdisho
Muqdisho: (CBS) Taliye xigeenka ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kaniif) ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay saraakiil u dhashay dalka Masar uu hogaaminayay Sareeye Gaas Maxamed Axmed Maxamed (Abu Zahra) oo ah madaxa Akadeemiyadda Boliiska dalka Masar .
Wafdigaan oo ka koobnaa Sedex Janaaraal iyo saraakiil kale ayaa soo dhaweyn kadib kulan la qaatay Taliye xigeenka ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kaniif).
Xubaha kale ee wafdiga qeybta ka ah ayaa waxaa ka mid ah Sareeye Guuto Taariq Maxamed Ibraahim (Maxamed Wali) iyo Sareeye guuto Mohamed Ahmed Asim Zaki Ismail madaxa Madax Dugsiga tabarada amniga qaranka Masar.
Sareeye Gaas Maxamed Axmed Maxamed (Abu Zahra) oo hogaaminayay wafdiga ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo maamuuska sare ee loo sameeyay , isaga oo sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir adag oo soo jireen ah.
Waxuu xusay in Dowladda Masar ay ka go’an tahay sidii ay u kordhin lahayd taageeda hormaniyeed ay siiso ciidanka boliiska Soomaaliya.
Waxii Faahfaahin ah kala soo xiriir Xafiska Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaalieed
Mobil: 0615818152 ama Email: [email protected]