Search for:
  • Home/
  • Latest news/
  • Taliyaha ciidanka boliiska oo ka qeybgalay kulan looga hadlaayay hormarinta Boliiska Soomaaliyeed

Taliyaha ciidanka boliiska oo ka qeybgalay kulan looga hadlaayay hormarinta Boliiska Soomaaliyeed

Waiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee JFS S/Guuto C/laahi Sheikh ismaaciil (Fartaag), ayaa Gudoomiyey shirka wajiga Labaad ee mashruuca JPP ee Horumarinta Boliiska Soomaaliyeed, kaasi oo looga Arrinsanaayey sidii loo Horumarin lahaa Boliiska Soomaaliyeed ,

Shirkaan waxaa Goob joog ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, Wasiiradda Amniga Dowlada Goboleedyada Xubnaha Ka ah Dowlada FDS iyo deeqbixiyaasha caalamka .

Ujeedka Shirkaan ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa Tayada iyo aqoonta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed si ay ugu adeegaan Bulshadooda,

S/Guuto C/laahi sheikh ismaaciil {Fartaag} Wasiirka amiga Gudaha JDS oo shirka ka hadlay ayaa uga mahad Celiyaya saaxiibada Caalamka ee Marwalba Garab istaagan Ciidanka Boliiska Soomaaliya ,

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa ka hadlay habka loo marayo mashruuca Horumarinta Boliiska Soomaaliya kana Mahaceliyey wada shqeyntii wanaagsaneyd eeSxbada Caalanka Ee Garab istaagay Boliiska Soomaliya,

Mahadsanidiin

Leave A Comment

All fields marked with an asterisk (*) are required