Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed oo shir gudoomiyay shirka amniga dalka
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Shir Gudoomiyaya Shirka Hoggaanada iyo Fadhiyada Madaxa Banaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Ugu Horeentii Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Markuu Tagay dugsiga Tababarka S/Guuto Kaahiye waxa uu salaan ka qaatay Cutubyo Ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Shirka Waxaa oo ka dhacay S/Guuto Kaahiye Goob Joog ahaa Taliye Xigeenka Ciidanka Boliisaka Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed Kaniif Saraakiisha Hogaanada iyo Fadhiyada Madaxa Banaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Inta uu shirka Socday Taliyaha Ciidanka Waxa uu warbixino la xiriira amniga wax ka weydiiyay sharaakiisha qaabilsan amniga waxa ayna taliyaha uga warbixiyeen Xalada Guud ee amniga Caasimada iyo Dadaalada lagu xaqiijinayo amniga.
S/Guuto Sulub Axmed Firin Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa faray Dhamaan Saraakiisha Amniga in ay Dar dargaliyaan Xaqiijinta Amniga iyo ka hortada Kataraha Kooxada Khawaarta.