Gen.Fartaag oo guddoomiyey shirka qabanqaabada maalmaha xuriyada Soomaaliya
Wasiirka Arrmaha Gudaha Fadaraalka Iyo Dib Uheshiisiinta XFS ahna gudoomiyaha gudiga xuska maalmaha xuriyadda ayaa shir gudoomiyay shirka guddiga maalmaha xuriyadda.
Shirka ayaa waxaa goob jooga ka ahaa wasiirka dhalinyarada iyo ciiyaaraha Soomaaliya, Sihayaha wasiirka haweynka, wasiiru dowlaha wasarada howlaha guud iyo dib u dhiska , Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin taliyaha ciidanka asluubta S/guuto Mahad C/Raxmaan Aadan iyo mas’uuliyiin ka socda maamulka gobolka Banaadir.
Inta uu socday shirka Waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dar dargalin lahaa qurxinta goobaha lagu qabanayo maalmaha xuriyadda oo ah maalmo qaali ku ah bulshada Soomaaliyeed ayna ka xoroobe gumeestaha