Search for:
  • Home/
  • Somali/
  • Sarreeye Guuto Asad Cusmaan oo ka qayb galay xafladdii soo dhaweynta Markabka ORUC REIS ee baaraya shidaalka

Sarreeye Guuto Asad Cusmaan oo ka qayb galay xafladdii soo dhaweynta Markabka ORUC REIS ee baaraya shidaalka

Taliyaha Ciidanka Boliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhoweynayay Markabka ORUC REIS, kaas oo baaritaan shidaal ka fulinaya xeebaha Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ay goob joog ahaayeen Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Sidoo kale, munaasabaddan waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, wasiirro, iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, taas oo muujinaysa midnimada iyo wadajirka hogaanka dalka iyo dadaallada lagu horumarinayo kheyraadk a dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Leave A Comment

All fields marked with an asterisk (*) are required