Search for:
  • Home/
  • Somali/
  • Taliyaha ciidanka Boliiska oo sagagootiyay saraakiil xigeeno tababar loo diray

Taliyaha ciidanka Boliiska oo sagagootiyay saraakiil xigeeno tababar loo diray

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa sagootin u sameeyay leyli-saraakiisha oo muddo sanad ah tababar ugu maqnaa dalka Masar.

Saraakiishan, oo dalka dib ugu soo laabtay si ay daraasado la xiriira waxbarashadooda u sameeyaan, ayaa hadda mar kale dib ugu laabanaya Masar si ay u sii wataan tababarkooda.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay inay si hufan uga faa’iideystaan tababarka inta mudada u harsan. Wuxuu sidoo kale u rajeeyay in ay si guul leh ku dhammaystaan tababarkooda, si ay ugu adeegaan Qaranka Soomaaliyeed iyagoo xirfad iyo aqoon sare leh.

Leave A Comment

All fields marked with an asterisk (*) are required