Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya
Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Abdullahi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda aanu walaalaha nahay ee Jabuuti u jooga Soomaaliya, Amb.Mohamed Ibrahim Youssouf.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga ee labada dal, iyadoo diiradda la saarayo ladagaallanka argagixisada iyo taageerada Dowladda Jabuuti ee dhinaca tababarada iyo qalabaynta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.