Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Culimaa’uddiinka
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay maanta qaar ka mid ah Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa Culimada kala hadlay in ay ka qayb qaataan dedaallada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta, wadajirka bulshada iyo dabar goynta fikirka xagjirka ah ee Khawaarijta.
Kulankan oo uu ka qayb galay Taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayeey culimadu kusoo bandhigeen talooyin ku aaddan ilaalinta ammaanka dalka, dowlad dhiska iyo la dagaallanka aragtiyada gurracan ee kooxaha Khawaarijta ah.