Ciidanka boliika Soomaaliyeed oo ku guda jiro dabaal dagga xuska sanad guurada 81 aad
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku guda jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee xuska sanad guuradii 81-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay sanadkii 1943-dii oo ku beegan markii si rasmi ah loo aas aasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Ciidanka ayaa hadda ku mashquulsan dhoolatuska , si ay u xusaan xaflada quruxda badan ee loo asteeyay Sabtida 20-ka Diseembar.
Waxaa hoolka ay ka dhaceyso xafladda soo gaaray Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Ku xigeenadiisa, madaxda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ATMIS , Diplomaasiyiin, xubno ka socdo bulshada rayidka ah iyo sraakiil.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Hay’adda ugu weyn ee ilaalinta sharciga madaniga ah ee Soomaaliya waxaa la aas aasay 1943-kii, waxa ay ka mid ahaayeen hay’adaha aasaasiga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Ka dib billowgii dagaalladii sokeeye horraantii 1990-meeyadii, waxaa gebi ahaanba joogsaday shaqadii Booliska Soomaaliyeed.