Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudoomiyay kulan looga hadlayay amniga dalka
Kulanka waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta sare ee hay’adaha amniga, maamulka gobolka Banaadir, iyo saraakiisha laamaha kala duwan ee amniga, kuwaas oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan horumarka laga sameeyey sugidda amniga guud ee caasimadda iyo tallaabooyinka la qaaday si loo xoojiyo wada-shaqaynta hay’adaha amniga iyo shacabka.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo ka hadlay kulanka, ayaa faahfaahin ka bixiyey istiraatiijiyadaha lagu xoojinayo nabadgelyada caasimadda, isagoo xusay in boliisku ay wadaan qorshayaal lagu adkeynayo ammaanka inta lagu jiro bisha Ramadan, si bulshada Soomaaliyeed ay si nabdoon ugu cibaadaystaan.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu adkeeyey in la dardar geliyo iskaashiga ciidamada amniga iyo bulshada.



