Search for:
  • Home/
  • Somali/
  • Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo La Kulmay Wakiillo ka Socda UNSOS iyo UNDSS

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo La Kulmay Wakiillo ka Socda UNSOS iyo UNDSS

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo ay wehliyeen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliiska, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Taageerada Soomaaliya (UNSOS) iyo Hay’adda Ammaanka iyo Ilaalada Qaramada Midoobay (UNDSS).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga dhinaca amniga iyo horumarinta awoodda Booliiska.

Intii uu socday kulanku, waxaa la isla gartay in mudnaanta la siiyo howlaha hortabinta u leh Ciidanka Booliiska, gaar ahaan dhanka tababarada, kobcinta xirfadaha, iyo fududeynta taageerada farsamo iyo agab ee lagama maarmaanka u ah howlaha amni ee dalka.

Kulankan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay labada dhinacba in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, iyada oo loo marayo iskaashi istiraatiiji ah iyo taageero joogto ah.

Leave A Comment

All fields marked with an asterisk (*) are required