Search for:
  • Home/
  • Somali/
  • Wasiirka amniga gudaha XFS oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyey Xarunta miina baarista Boliiska Soomaaliyeed

Wasiirka amniga gudaha XFS oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyey Xarunta miina baarista Boliiska Soomaaliyeed

Wasiirka amniga gudaha XFS Md. C/llaahi Shiikh ismaaciil (Fartaag) ayaa xariga ka jaray dhismo cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta miina baarista Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Xarigjarka dhismayaasha cusub ee lagu soo kordhiyey qeybtaan ayaa waxaa  goob joog ahaa  Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  S/Guuto Sulub axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Boliiska S/Guuto Zakia Xussen Axmed iyo Marti Ka socotey Hay’addaha Caalamiga ah.

S/Guutu Sulub Axmed Firin Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  oo munaasabada ka hadaly ayaa qiray  in daraakiisa Iyo ciidanka boliiska ee ka howlgala xaruntaan ay yihiin badbaadiyahaasha bulshada.

Isaga oo xusay in xili kasta ay  diyaar u yihiiin  ka hortaga khataraha Khawaarijta ay u soo maleegeyso dadka rayid ah.

Wasiirka Amniga Gudaha  XFS  S/guuto C/llaahi Shiikh ismaaciil (Fartaag) oo ayaa u mahadceliyay Taliska  Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, sigaar ahna ugu Mahadceliyay  Saraakiisha iyo Askarta Xaruntan ee marwalba qatar u geliyaan nafsadooda sidii ay u badbaadin lahaayeen  bulshadooda .

Xuruntaan Lagu soo Kordhiyey Dhismayaasha Cusub ayaa Halbowle u ah Sugida Amniga Guud ahaan Dalka Gaar Ahaan Caasimada Moqdisho .

Ugu dambeyn Wasiirka iyo Taliyaha ayaa si gaar ah uhu mahadceliyay dowladda Japan oo gacan ka geestay hirgelinta xaruntaan oo muhiimad gaar ah u leh ciiidanka boliiska iyo shacabka Soomaaliyeed.

Leave A Comment

All fields marked with an asterisk (*) are required