Search for:
  • Home/
  • Somali/
  • Sarreeye Guuto Asad Cismaan oo la kulamay Madaxa hay’ada UNMAS ee Soomaaliya

Sarreeye Guuto Asad Cismaan oo la kulamay Madaxa hay’ada UNMAS ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxa hay’ada UNMAS ee Soomaaliya Fran O’Grady, iyagoo ka wada-hadlay in mustaqbalka la iska kaashado sidii kor loogu qaadi lahaa ka-hortagga walxaha qarxa iyo horumarinta qaab-dhismeedka Istaraatiijiyadda Boliiska ee Ka-hortagga Walxaha Qarxa.

Fran O’Grady ayaa inta uu kulanka socday taliye Asad ku amaanay shaqooyinka dardarta leh ee uu durba ka bilaabay boliiska ee ku aaddan sugida amniga iyo badbaadinta bulshada, taasoo ay ku iman karto in la helo ciidan boliis ah oo wax soo saar leh, isla xisaabtan iyo hufnaan loola yimaado.

Madaxa hay’ada UNMAS ayaa taliye Asad u balanqaaday iney ka go’an tahay inay taageeraan dadaallada taliyaha uu ku doonayo in Soomaaliya uga xorowdo khataraha walxaha qarxa si ay ammaan u helaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Leave A Comment

All fields marked with an asterisk (*) are required