Search for:

Taliye Asad Cismaan oo la kulamay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş. Kulanka Taliyaha iyo Safiirka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Boliiska iyo Safaaradda oo iyadu masuul uga ah Dawladda Turkiga taageerada ciidamada Boliiska ee dhinacyada Tababarka , taakulada [...]

Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa gurmad lacageed gaarsiiyay askar qabo dhaawacyo

Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa gurmad lacageed gaarsiiyay 25 qof oo isugu jira ciidamo dhaawac ah iyo ehelo wakiilo ka ah askar u geeriyootay waxyeelo kasoo gaartay khawaarijta iyagoo ka difaacayay shacabka labadii bilood ee lasoo dhaafay. Guddiga taliska ciidanka boliiska u qaabilsan taakuleynta caafimaadka xubnaha ciidanka ee dhibaatadu soo [...]

Sarreeye Guuto Asad Cismaan oo la kulamay Madaxa hay’ada UNMAS ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxa hay’ada UNMAS ee Soomaaliya Fran O’Grady, iyagoo ka wada-hadlay in mustaqbalka la iska kaashado sidii kor loogu qaadi lahaa ka-hortagga walxaha qarxa iyo horumarinta qaab-dhismeedka Istaraatiijiyadda Boliiska ee Ka-hortagga Walxaha Qarxa. Fran O’Grady ayaa [...]

Taliyaha ciidanka boliiska oo la kulmay ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed

Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay madaxada iyo xubno kale oo ka tirsan ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo nabadda iyo wada shaqeynta ka dhexeyso ciidanka boliiska iyo bulshada. Taliyaha ayaa haweenka ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaataan ka shaqeynta nabadda, horumarinta bulshada, [...]

Taliyaha ciidanka boliiska oo kulan la qaatay Khuburo ka socotay FBI-da Mareykanka

S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta Khuburo ka socotay FBI-da Mareykanka kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Muqdisho. Taliyaha ayaa saraakiishan khuburada ah kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen tababarada saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed iyo xoojinta dib u habeynta ciidanka, iyagoo bogaadiyay howlaha dar darta [...]

Taliyaha ciidanka boliiska oo kormeer shaqo ku tagay fadhiyada boliiska

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ay ka mid yihiin Taliska Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka (Taraafiko), Saldhigga Boliiska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, xarunta Akadeemiyada Boliiska Soomaaliyeed ee General Kaahiye, iyo Hoggaanka Baarista dembiyada ee CID-da. Intii uu kormeerka [...]