Search for:

S/Guuto, Asad Cusmaan Cabdullaahi oo booqday Isbitaalka Madiina

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta booqday Isbitaalka Boliiska ee Madiina, si uu ugu kuurgalo xaaladda Isbitaalka, Shaqaalaha Caafimaadka iyo horumarinta dhismahaayasha muhiimka u ah daryeelka ciidanka boliiska iyo guud ahaan bulshada Soomaliyeed. Taliyaha ayaa u mahadceliyay, dhammaan Saraakiisha iyo shaqaalaha caafimaadka oo si hufan uga [...]

Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed oo la kulmay safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sarreeye guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Sucuudiga u jooga Soomaaliya mudane Axmed Bin Maxamed Almowallad. Taliyaha iyo Daniiraha ayaa kulankooda kaga hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee labada dal, ka hortagga qataraha argagixisada, xoojinta taageerada Boqortooyada Sucuudiga ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo [...]

Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay ciribtirka Argagaxisada

Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaalieed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay La-taliyaha dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ee Safaarada Mareekanka ee Soomaaliya Flannery Robert. Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga amni ee labada dal, Qorshaha dowladda Federaalka iyo Saaxiibada caalamiga ah ee ku aadan ciribtirka [...]

Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaah oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)  iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka  Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin. Wasiirka iyo Taliyaha [...]

Taliyaha cusub Jan. Asad oo la kulmay danjiraha Sweden ee Soomaaliya

Taliyaha cusub ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Sweden u jooga Dalkeena Soomaaliya mudane Amb. Joachim Waern. Taliyaha iyo Safiirka ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga ee dhanka amniga ee labada dal, ladagaallanka argagixisada iyo kordhinta tababarada iyo taageeradda ay dowladda Sweden [...]

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Magacaabidda Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi. Taliyaha cusub ee Goluhu ansixiyey, ayaa ah sarkaal aqoon iyo khibrad u leh arrimaha ciidammada, isaga oo [...]

Madaxweyne Xasan Sheekh oo darajada Sarreeye Gaas u dallacsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay Munaasabad ku qabsoontay Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa darajada Sarreeye Gaas u dallacsiiyay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Sulub Axmed Firin. Madaxweynaha ayaa Taliska, Hoggaanada, Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen [...]

Hoggaanka baarista dembiyada heer federal oo tababar u soo gabagbeeyay baarayaal ka socdey dhamaan dowlad goboleedyada dalka

Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada, G/Dhexe. Muxudiin Axmed Cusmaan ayaa maanta tababar macalimimo (TOT) u soo xirey Saraakiil Ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kuwaas Oo laga soo kala xuley Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka Saraakiisha ayaa mudadii ugu dambeysey tababarka ku qaadanaayey xarunta Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), ayaga oo qubaro [...]

Ku simaha taliyaha ciidanka boliiska oo gudoomiyay shirka khamiislaha ee amniga caasimadda

Kusimaha taliyaha ahna taliye xigeenka ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cismaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) ayaa maanta shir gudoominayay shirka Khamiislaha ah ee ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed. Inta uu shirka socday waxaa lagu lafa guray howlaha shaqo ee u qabsoomay hoggaanada iyo fadhiyada madaxa banaan iyo wax yaabaha gaabiska noqdey Taliyaha ayaa [...]