Search for:

Wasiirka amniga DFS oo guddoomiyay kulan loogo hadlaayay amaanka caasimaddaa

Kulan Ammaanka Caasimadda looga hadlay ayaa waxaa iskugu yimid hay’adaha Amniga Heer Federaal iyo maamulka gobolka Banaadir kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed . Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Sheekh Cismaan Fartaag, waxaana ka qeyb galay Taliyaha Ciiidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin, [...]

Booliiska oo ka warbixiyey khasaraha ka dhashay qaraxii Liido

Afhayeenka Ciidanka Booliiska soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadam Xasan oo goor dhowed Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar xalay kooxaha Khawaarijta arxanka daran ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido goobtaas oo ah goob Dadka Shacabka ahi wakhtigooda ku qaataan. Afhayeenka ayaa sheegay in [...]

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan Deg Deg ah la qaatay Laammaha Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laammaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii Khawaarijtu ku qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda. [...]

Taliye Sulub Axmed Firin oo gudoomiyay shirka todobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ayaa gudoomiyay shirka amniga ee  khamiislaha ah, si loo xoojiyo amaanka caasimadda. Shirka waxaa goob joog ka ahaa taliye xigeenada koowaad iyo labaad ee ciidanka ciidanka boliiska Soomaaliyeed,iyada oo u jeedku ahaa  xoojinta guud ahaan howlaha lagu sugaayo ammaanka gudaha Jamhuuriyadda Federaalka [...]

Taliye Sulub oo ballan qaad u sameeyay ardayda kaalimaha hore ka gasha imtixaanka dugsiyada sare ee dalka

Taliyha ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/Guuto  Sulub Ahmed Firina ardayda kaalinta koowaad iyo labaad ka gasha imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka u balan qaaday in ciidanka boliiska uu qaadanayo, loona diraayo waxbarasho dalka dibadiisa ah. Taliye Sulub ayaa  intaa ku daray  in ardaydaas tababar kadib ay ka mid noqan doonaan Saraakiisha [...]

Ciidan Boliiska Soomaaliyeed oo caawinaad u fidiyeen ardayda, si’ay u gaaraan goobaha Imtixaanka lagu galayo

Ciidan Boliiska Soomaaliyeed ayaa  caawinaad u fidiyeen qaar ka mid ah ardayda galeysa imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga sare , si’ay u gaaraan goobaha lagu galaayo imtixaanka, Kadib Roob xooggan oo ka da’ay magaalada Muqdisho. “Marwaliba waxaan hiil u nahay bulshada maanta waxaan daabulid u samaynay dhalinyarada ku jirta imtixaanka [...]

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaalieed oo ka qeybgalay xuska Sanad guurada 47-aad ee Ciidanka Boliiska Dalka Jabuuti

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa ka qeyb galay  Munaasabada Xuska Sanad guurada 47.aad ee Ciidanka Boliiska dalka aan walaalaha nahay Ee Jabuuti Xaflada Sanadguurada 47.aad ee Ciidanka Boliiska Jabuuti oo Si heer sare ah loosoo Agaasimay ayaa Ka dhacdey Akadeemiyada Boliiska ee Idiris Faarax Caabane .ee [...]

Taliyaha ciidanka boliiska oo ka qeyb galay xaflad ay ku qalin jabiyeen saraakiil Boliis ah

Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin iyo wafdi saraakiil sare ah oo hoggaaminaayay ayaa ka qeyb galay xafladda qalin jibinta dufcadda 12 -aad ee jaamacadda dalka Rwanda,qeybteeda boliiska oo ay ka qalin jabiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka boliiska Soomaliyeed. Saraakiishaan ayaa ka qalin bedesha heerka labaad ee waxbarashada [...]